Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay weerar loo adeegsaday bam-gacmeed oo xalay ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga maamulkaasi.
Booliska Puntland ayaa shaaca ka qaaday in kooxo hubeysan ay bambo ku tuureen bartamaha magaalada, waxayna sheegeen in weerarkan uusan geysan wax khasaare ah.
Sidoo kale Booliska ayaa sheegay in ay haatan wadaan baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dhacdadaasi.