Maamulka Gobolka Banaadir Oo Bulshada U Diray Farriin Ku Aaddan Bilicda Caasimadda Iyo Amniga

580

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Ahmed Diiriye (Yabooh) Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Jimcaale iyo Xog’hayaha guud ee Gobolka Feysal Carraale Afrax ayaa kormeeray qaar kamid Wadooyinka Magaalada Muqdisho si ay ugu kuur galaan Arrimaha la xariira Nadaafada iyo Amniga Caasimadda.

Kormeerkan ay Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir sameeyeen arroornimadii hore ee Saakay ayaa ahaa mid isugu jiray islaxisaabtan iyo u kuurgalida xaalada Magaalada.

Agaasimaha Guud ee Nadaafada Iyo Bilic Soo celinta ee Maamulka Gobolka Banaadir Maxamed Suudi ayaa sheegay in Dowladda Hoose ee Xamar ay xoojin doonto howlaha kor loogu qaadayo Bilicda Magaalada.

Guddoomiye ku-xigeenka Howlaha guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Xasan Maxamed Jimcaale iyo Xog’hayaha guud ee Gobolka Feysal Carraale Afrax ayaa si wadajir ah ula dardaarmay bulshada Caasimadda.