Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shir Madaxeedka 10-aad ee dalalka Afrika

495

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac ayaa Magaalada Luanda ee caasimadda dalka Angola kaga qayb galaya Shir Madaxeedka 10-aad ee dalalka Afrika, Kareebiyaanka & Baasifiga (OACPS).

Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka oo maalmo ka hor gaaray Magaalada Luanda ee caasimadda dalka Angola ayaa xalay la kulmay xubno ka tirsan ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Angola.

Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyay xaaladooda gaar ahaan caqabadaha heysta iyo fursadaha ganacsi ee yaalla dalka Angola, Iyagoo dhankooda xusay inay soo dhawaynayaan dadaallada ay dawladdu waddo ee dhinacyada Amniga iyo Dib u xoraynta dalka.

Shir Madaxeedka 10-aad ee dalalka Afrika oo ay sanadkan ka qaybgalayaan madaxda 79 xubnood oo ka socda saddexda Qaaradood, ayaa looga hadli doonaa dhibaatooyinka isbeddelka cimillada, isu dheelitirka iyo koboca dhaqaalaha, caqabadaha amniga iyo nabadda.