Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo Madaxweyne ku-xigeenka Maamulkaas Yuusuf Axmed Hagar oo aay wehliyaan Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali jeeyte Cismaan xubno ka tirsan Golaha wasiirada Hirshabeele ayaa Booqday deegaannada Mabaax iyo Ceel qooxle oo Dhawaan laga saaray Al-shabaab.
Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa Madaxweynaha uga warbixiyey Guulaha ciidamadaan ay ka gaareen Dagaalka Ka Dhanka ahaa Shabaab, Daruufaha adag ee aay ku soo halgameen iyo Sida aay sharafkooda, Diintooda, iyo Deegaanadooda uga difaacdeen Al-Shabaab.
Gudoomiyaha ayaa xusay in ciidamada Dib u xoreeynta degaanada Gobalka Hiiraan oo kaashanayo Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliyeed ay ka go’antahay ineey halganka sii wadaan ilaa iska xorreeynayaan Al-Shabaab.
Madaxweynaha Dowlada Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa bogaadiyay guulaha Muhiimka ah ee ciidamada dib u xureynta ka soo Hooyeen dagaalada lagula jiro Al-Shabaab, waxa uuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in la dhameystiro dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.