
Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo kaashanay kuwa degaanka ayaa la wareegay Degmada Aadan Yabaal ee gobolka Shabeellaha Dhexe halkaas oo muddo sanado ah ay gacanta kuhayeen Al-Shabaab.
Ciidamada ayaa maalmihii la soo dhaafay ku sugnaa banaanka degmada, iyaga oo ka cabsi qabay inay waxyeeleeyso qarax miino oo ay meelaha qaar ku aaseen Al-Shabaab.
Wasiirka Wasaaradda Amniga Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa sheegay in Ciidamada ay sibadgelyo ah kula wareegeen degmada, kadib markii Al-Shabaab ay maalmo ka hor isaga baxeen.
Wasiirka oo la hadlay Warbaahinta Risaala waxaa uu sheegay in Ciidamada ay hadda howlgallo guud ka wadaan xaafadaha degmada Aadan-yabaal ,isla markaana uu sii socon doono howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







