Baarlamaanka dowlad Goboleedka jubbaland Oo Ansixiyay Xeerka Misaaniyadda 2023

523

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Abdi Mohmed Abdirahman oo uu waheliyo Gudoomiye ku-xigeenka 2aad Mudane Abdi Baley Husein ayaa maanta shir Gudoomiyey kalfadhiga 4ad fadhigiisa 6aad.
Fadhigan oo ay soo xaadireen 52 Mudane ayaa Ajandihiisu ahaa ka Doodista iyo Ansaxinta xeerka miisaaniyadda 2023.

Dood iyo Falaqeyn ka dib waxaa xubnaha Golaha wakiiladu cod aqlabiyad ah ku ansaxiyeen Xeerka Miisaniyada 2023, iyadoo ay ogoladeen 50 mudane, waxa ka amusay 2 mudane wax didayna ma jiran.