Masuuliyiin Iyo Shacab Isu Dhaarsaday Dagaalka Khawaarijta Al-Shabaab

596

Taliyaha Ciidanka Degmada Ceelwaaq Ee Gobolka Gedo Oo Goob Fagaare Kula Hadlay Shacabka Degmadaasi ka Dalbaday Inay La shaqeeyaan Haayadaha Amaanka Jubbaland Gaar ahaan Kuwa Ka Hawlgala Degmada Ceelwaaq Si Looga Guulaysto Dhagaraha Cadowga Khawaarijta Al-Shabaab.

Taliye General Cabaas Cali Ibraahim Gureey Ayaa Shacabka Degmada ka Dalbaday Inay Qayb Ka Noqdaan Gulufka Dagaal Ee Ka Dhanka ah Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

” haddii Aad Qayb ka Noqotaan Dagaalka Khawaarijta Waxaan Hubaa Inaad Si Xor Ah Unoolaan doontaan Taas oo ubaahan Geesinimo, waxaan Idin Ballan Qaadayaa Inaan Idinku Hogaamino La Dagaalanka Khawaarijta Al-Shabaab ayuu yiri General Cabaas Cali Ibraahim Gureey”.

Sidoo Kale Fagaare Ka hadalka Taliyaha Waxaa Goob Joog Ahaa Wasiiru dowlaha Amniga Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil Oo Maalmaha Saldhigtay Degmada Ceelwaaq Halkaas Oo uu Ka waddo Abaabul Dagaal Oo Ka dhan Ah Maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Khawaarijta Al-Shabaab Ayaa Maalmihii Ugu Dambeeyay Waxaa la Saaray Culayskii Ugu Xooganaa kadib Markii Ay Shacabka Soomaaliyeed U Adkaysan Waayeen Dhibaatooyinka Isugu Jirra Dilka, Dhaca Iyo Handaaada Ay Ugaysanayaan Shacabka.