Xukun lagu riday Xubin katirsan Al-Shabaab oo la qabtay

590

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta xukun ku riday Eeney Ureyn Garaar Dooli (Ooyow) oo Ciidanka Nabadsugida Soomaaliya ka soo qabteen Dagmada Afgooye 13-kii Bishii Juun ee Sanadkaan, isaga oo Al-Shabaab u qabilsanaa Qeybta Qaraxyada.

War kasoo baxay Maxkamadda Ciidamada ayaa lagu sheegay in Eeney Ureyn uu  Al-Shabaab ku biiray isaga oo yar, waxa uuna kagaba biiray degaanka Ceel-Bashiir ee hoostagta Dagmada Buur-hakaba, Waxaana ku qanciyay ka mid ahaanshihiisa Sarkaalkii xukumayay.

Sidoo kale Xeer ilaalinta Maxkamadda ayaa sheegtay in Sarkaalka uu u soo dhiibi jiray Miino diyarsan ka dibna  uu gayn jiray dagmada Buur-Hakabe  isaga oo isticmaalaya mooto Feekon ka dibna waxa uu dhigi jiray meeshii uu markaas u arko in ay dadka isugu yimaadan.

Baaris dheer ka dib Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa isku howlay sidii uu u soo dhamaystiri lahaa hab raaca Muhiimka u ah horgaynta Maxkamadeed Eeney Ureyn Garaar Dooli (Ooyow) 12-kii Bishaan, waxa ay Maxkamadda la wadaageen Qiraalka Eedeysanaha.

Abuukataha u dooday Eedeysanaha ayaa Maxkamadda ka codsaday in ay Maxkamadda u fiiriso sifaha danbi fududeya Maadaama uu Eedesanaha Qiraal yahay.

Maxkamadda ayaa fadhiya kala duwan ku xukuntay Eeney Ureyn Garaar Dooli (Ooyow) Xabsi Daa’in 21-kii Bishaan, sida dhinacyada Dacwadda uu u sheegay Gaashaanle Cali Axmed Cali oo ka tirsan Garsoorka Ciidamada Qalabka Sida.

Xukunsanaha ayaa haysta Fursad uu ku dalban Karo Rafcaan.