
Ilhan Cumar ayaa markii saddexaad ku guleysatay doorashada kuriga degmada ee shanaad ee gobolka Minnesota ee Congress-ka Mareykanka, kadib markii ay ka adkaatay Cicely Davis oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga.
lhan oo sanadkii 2018 noqoto qofkii ugu horreeyay ee Somali-American ah oo loo doorto Congress-ka Mareykanka ayaa difaacatay kursigeeda.
Hadal kooban oo ay u jeedisay taageereyaasheda kadib guushii ay gaartay ayay ku sheegtay in guusheedu ay mid Soomaalida u soo hoyatay, isla markaana ay ku faraxsan tahay in dib loo soo doortay.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)






