Ciidanka ATMIS oo qeyb ka noqday kacdoonka & howlgalka ka socda Hiiraan

580

Ciidamada Jabuuti ee ku suga degmada Jalaqsi ee Gobolka Hiiraan uuna Hor kacayo Taliyaha Ciidanka Jabuuti ee degmads Jalalaqsi Korneyl Maxamed Cumar Casoowe iyo Ciidamada dib-u-xoreynta deegaanka ayaa Howlgal Wadajir ah ka fuliyay tuulooyin u dhow degmada Ceelbaraf ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka waxa qeybka ahaa oo Ciidamada ku dhiiri gelinayay Xildhibaan Maalik Abdalla oo ka tirsan Xildhibaannada Golaha Shacanka, waxaana Ciidamada ay gaareen tuulooyin horleh.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in Ciidamada intii ay kujireen howlgalka aysan la kulmin wax dagaal ah, isla markaana howlgalkooda uu si mabad ah kusoo dhamaaday.

Madaxweyne kuxigeenka dowlad Gobeedka Hir-Shabeelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa sheegay in aysan joogsan doonin howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, isla markaana meelkasta oo ay galaan ay uga daba tegi doonaan.