Qiimaha lagu Raaco Gaadiidka Tagsiga ee gudaha Kismaayo oo hoos u Dhacay

380

Shirkada Kismaayo taxi oo ah shirkad ka shaqaysa dhinaca gaadiidka tagsiga ee  ka dhexe shaqeeya gudaha magaalada Kismaayo ayaa wax badan ka badashay qiimaha lagu raaci jiray gadiidka tagsiga oo lacagtiisa markii hore ay ahayd lacag qaaliya oo aan dad badan oo dan-yar ah awoodin.

Shirkadaan oo suuqa ku soo gashay shan gaadhi oo tax ah ayaa qiimaha lagu raaco gudaha magaalada waxaa ay ka dhigtay $ 1 dollar halka uu markii hore ka ahaa $5.

Arintaan ayaa waxaa ay saamayn ku yeelatay dadkii kale ee ku shaqaynaayey gadiid-ka yar yare e tagsiga,iyadoo taxgaasida magaalada oo kali kali u shaqaysanaayey ay qiimaha ka wadda dhigeen $ 1 doolar.

Kismaayo Tax ayaa hadda keentay gadiid hor leh oo gaadhaya ilaa lix gaadhi kuwaasi oo kor u qaadaya adeega dhinaca Tax-ga ee gudaha magaalada Kismaayo.

Dadwaynaha ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa baahi balaadhan u qabay adeega dhinaca gadiidka oo raqiis ah.