Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS oo Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Maraykankau qaabilsan Soomaaliya

530

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Dowladda Soomaaliya Md. Axmed Madoobe Nuunow (Axmed Baashi) ayaa Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dowladda Maraykankau qaabilsan Soomaaliya Ambassador Larry Andre.

Shirkaan oo qaatay saacado ayaa waxaa looga hadlay xoojinta maalgashiga iyo dadaallada wax soosaar ee Beeraha Soomaaliya, iyadoo Safiirku uu xusay in hay’adda Maraykanka u qaabilsan hormarinta ee USAID ay taageereyso hormarka ay wasaaradu ka samaysay dhiirigalinta Beeraleyda, koboca waxsoosaarka, iyo siyaasada maalgashiga dalka.

Wasiir Axmed Baashi ayaa Safiir Larry iyo Dowladiisa Maraykanka Waxaa uu uga mahadceliyay taageerada ay mar kasta la garab-joogaan Dowladda Soomaaliya.