
Saraakiisha ciidanka dowlad deegaanka Soomaalida ayaa ka warbixiyey howlgallo ka dhan ah Al-Shabaab oo ay ka sameeyeen deegaano badan oo ku teedsan xadka gobolka bakool uu kala wadaago gobolka af-dheer ee dowlad deegaanka Soomaalida.
Sarreeye Guud. C/raxmaan Axmed Nuur, oo hoggaaminayey howlgallada ayaa warbaahinta u sheegay in dagaalladii uga dambeeyey ee ka dhacay xuduudka ay ku dileen saraakiil sar sare oo katirsan ururka Al-Shabaab.
Dadka Shacabka ah ee ku nool deegaanada xuduuda ayuu Sarreeye Guud. C/raxmaan Axmed-nuur, ka dalbaday in ay garab ku siiyaan dagaalka Al-Shabaab, si looga adkaado xubanaha sida dhuumaaleysiga ah uga gudbaya gudaha deegaanka Soomaalida