Meydadka muwaadiniin Soomaali ah oo laga helay Goobahooda Ganacsi

548

Meydadka Labo Muwaadin oo  Soomaali ah ayaa saakay laga helay dukaankooda oo lagu gubay  Tuulo hoos timaada magalada Queenstown ee Gobolka Eastern Cape ee dalka Koonfur Afrika.

Sida ay ino xaqiijiyeen qaar kamid ah Soomaalidii gaartay dukaanka ay labada Muwaadin ku Geeriyooday ayaa sheegay in Muwaadiniinta lagu kala magacaabi jiray Aadan Cabdi Saneey iyo Cabdi Mohamed Aadan

Ma cada ilaa iyo hadda dabka ay ku gubteen waxa uu ka dhashay laakin waxaa loo badinaya in dukaanka lagu gubay labada Muwaadin xili ay jiifeen

Laamaha amaanka ee dowlada sida booliska, Waaxda dambi baarista iyo sidoo kale waaxda caafimaadka dowlada hoose ayaa haatan baaraya waxa sababay geerida labada Muwaadin.