Duqeymo cirka ah oo lagu qaaday gobolka Tigray

597

Gobolka Tigreega ee waqooyiga Itoobiya ayaa lagu garaacay duqeymo cirka ah, sida ay sheegeen saraakiisha deegaanka, laba maalmood kadib markii maamulka TPLF ee halkaas ku sugan ay sheegeen in ay diyaar u yihiin xabbad-joojin.

Duqeynta la sheegay in ay ka dhacday xarunta gobolka ee Mekele ayaa waxaa ku dhaawacmay ugu yaraan hal qof, sida uu sheegay Kibrom Gebreselassie, oo ah sarkaal sare oo ka tirsan isbitaalka Ayder Referral Hospital, oo ah kan ugu weyn Tigrayga.

“Hal bukaan oo dhaawac ah ayaa soo gaaray Ayder. Wadarta khasaaraha ilaa hadda lama oga,” ayuu ku qoray Twitter-ka.

Jabhadda Tigreega ee TPLF oo dagaal kula jirta ciidamada Itoobiya iyo xulafadeeda muddo ku dhow laba sano ayaa sheegtay in diyaarad aan duuliye lahayn ay “duqeysay” jaamacadda Mekele subaxnimadii Talaadada, halkaas oo ay ka geysatay khasaare naf iyo maalba leh.

“Tani waxay dhacaysa kadib markii xukuumadda Tigray ay dhistay koox wadaxaajood ah waxayna muujisay inay diyaar u tahay wadahadal nabadeed,” ayuu afhayeenka TPLF Kindeya Gebrehiwot ku yiri boggisa Twitter-ka.

Dimtsi Wayane, oo ah Shabaka TV oo ku xiran TPLF, isla markaana baahisa wararka Tigrayga, ayaa sheegay in sidoo kale la duqeeyay xarunteedii, taas oo qasabtay in hawada ay ka baxdo”ayna geysatay khasaare naf iyo maalba leh