Ra’iisal wasaare Xamsa oo gaaray Beledweyne

706

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Ra’iisulwasaaraha XFS mudane; Xamsa Cabdi Barre ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ra’iisulwasaare Xamsa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka gaashaandhigga XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur, Taliyaha Ciidanka XDS , Gen; Odawaa Yuusuf Raage,Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, ku xigeenkiisa, Yuusuf Axmed Hagar, saraakiil iyo qeybaha kale ee maamulka Gobolka.

Xamse Cabdi Barre, Ra’iisulwasaaraha dalka ayaa inta uu halkaasi joogo waxa uu u kuur geli doonaa , xaaladda dadka ay abaaruhu saameeyeen, howlagallada ka dhanka ah Al-shabaab, dhibaatooyinka ay argagixisadu ka geysteen goobihii laga fara maroojiyay ee ay horay ugu sugnaayeen iyo sidii wax loogu qaban lahaa.