Hay’ad ka tirsan Midowga Yurub oo sheegtay in dalalka Yurub ay soo food saartay abaartii ugu xumayd muddo 500 sano ah

576

Yurub ayaa wajahaysa abaartii ugu xumayd muddo 500 oo sano ah, iyadoo saddex-meelood laba meel qaaradda ay ku jirto xaalad feejignaan ama digniin ah, taasoo yaraynaysa maraakiibta gudaha, wax-soo-saarka korontada iyo wax-soo-saarka dalagyada qaarkood, ayay tiri hay’ad ka tirsan Midowga Yurub Talaadadii.

Warbixinta bishii Ogosto ee ururka Yurub ee Abaaraha , oo ay kormeerayaan Komishanka Yurub, ayaa lagu sheegay in 47% Yurub ay ku jirto xaalado digniin ah iyo 17% xaalad feejignaan ah, oo saameeysay wax soo saarta beeraha.

“Abaarta ba’an ee saamaysay gobollo badan oo Yurub ah tan iyo bilawgii sannadka waxay sii fidaysay oo ka sii daraysay horraantii Ogosto,” ayay tidhi warbixintu, iyadoo intaas ku dartay in galbeedka Yurub-iyo gobollada ku yaal Mediterranean ay u badan tahay inay la kulmaan xaalado kuleyl iyo qallayl ka badan kuwa caadiga ah ilaa laga gaaro Nofeembar.

Inta badan Yurub waxa ay wajahday heerkul aad u sarreeya oo  toddobaadyo ah xagaagan, taas oo uga sii dartay abaarta, sababtay dab ka kacay Kaymaha, waxayna dhalisay baaqyo ah in wax laga qabto isbeddelka cimilada.

Abaarta hadda jirta waxay u muuqatay tii ugu xumayd ee ugu yaraan 500 oo sano, iyada oo laga soo xigtay xogta ugu dambeysa ee dhamaadka Xilligan sida ay  xaqiijisay qiimeynta horudhaca ah, guddiga ayaa ku sheegay bayaan.

Warbixintu waxay sheegtay in ilaa 10kii Agoosto, 47% dhulka Yurub ay gaareen heer aad u sarreeya oo dhanka abaaraha ah, halka 17% gobolada sahaminta la sameeyay ay heegan buuxa ku jiraan.

laga bilaabo bishii 5aad Roobab yar iyo kulayl badan ayaa saameeyay qulqulka webiyada iyo heerka biyaha guud ahaan Yurub.

Dalagyadii xagaaga ayay dhibaatooyin lasoo darseen, iyadoo 2022 wax-soo-saarka galleyda la ogaaday 16%  inuu ka hooseeyo celceliska shantii sano ee la soo dhaafay sidoo kale digirta iyo gabbaldayaha ayaa iyaguna hoos u dhacay 15% iyo 12%.

  • Cilmi-baarayaashu waxay saadaaliyeen in galbeedka Yurub  xaaladaha kuleylka iyo qaleylka ay u badantahay in ay sii socdaan ilaa bisha November