Duulaanka Ruushku ku qaaday dalka Ukrain, kaas oo gaaray Sanad barkii, ayaa waxa uu durbadiiba sababay in ay ku naf waayaan ilaa 9,000 oo askari oo Ukrain ah, sida uu Isniintii sheegay taliyaha ciidamada Gen. Valerii Zaluzhnyi.
Ruug-cadaagan ah taliyaha guud ee Ukraine ayaa munaasabad ka sheegay in carruurta Ukraine ay u baahan yihiin in la daryeelo sababtoo ah “aabbahood wuxuu aaday safka hore, laga yaabee, inuu ka mid yahay ku dhawaad 9,000 oo geesiyaal ah oo dhintay.”
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 5,587 qof oo rayid ah ay ku dhinteen 7,890 kalena ay ku dhaawacmeen duulaanka Ruushka ee Ukraine oo bilowday 24-kii Febraayo.
Ku dhawaaqista isniinta ee baaxada dhimashada militariga Ukraine ayaa ka duwan militariga Ruushka, kaasoo ugu dambeeysay warbixintiisa 25-kii March markii uu sheegay in 1,351 askari oo Ruush ah lagu dilay bishii ugu horeysay ee dagaalka.
Saraakiisha ciidamada Mareykanka ayaa laba toddobaad ka hor ku qiyaasay in Ruushka ay ka dhinteen inta u dhaxaysa 70,000 ilaa 80,000 oo askari, kuwaas oo lagu dilay hawlgal.