Dowladda oo ka hadashay howlgallada ka socda Gobolka Hiiraan

606

Wasiirka Wasaaradda Gaashadhiga Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Janeraal Odowaa Yuusuf Raage & Saraakiil kale oo ka tirsan ciidanka xoogga Soomaaliyeed ayaa kormeeray Fadhiyada kala duwan ee Ciidanka ku leeyahay degaano ka tirsan Gobolka Hiraan.

Wasiirka oo la hadlay Ciidamada ayaa sheegay in muddo 15 cisho oo xiriir ah ay kujireen howlgal noociisa aan horay loo arag, Isla markaana uu uga mahad celinayo Ciidamada, isaga oo og duruufaha ay kujiraan.

Sidoo kale Wasiirka Gaashaandhigga wuxuu sheegay in Ciidamamada looga baahan yahay in ay gutaan waajibaadkii ay u dhaarteen, Isla markaana aysan ogolaan in Al-Shabaab ay weli sii heystaan meelo kamid ah dalka dadkana ay ku dhibaateeyaan.

Ugu dambeyn Wasiirka ayaa sidoo kale u mahad celiyay Ciidamada degaanka oo doorweyn kulahaa ka qeyb galka howlgalka ee keentay inay degaano dhowr ah lagala wareego Al-Shabaab.

Booqashadaan uu Wasiirka Gaashaandhigga ugu tegay Ciidamada xoogga dalka ee ku sugan Gobolka Hiiraan ayaa ka dambeeysay kadib markii Ciidamada howlgallo ay fuliyeen ay kula wareegeen degaano dhowr ah