QM: oo sheegtay in Carruurta Suuriya loo adeegsado colaadaha

619

Shabakadda Xuquuqda Aadanaha ee Suuriya (SNHR) oo ka faallootay warbixin uu soo saaray Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo la xiriirta carruurta, ayaa waxa ay ku tilmaamtay isha ugu weyn ee macluumaadka xadgudubyada ka dhanka ah carruurta Suuriya

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in Suuriya ay tahay dalka ugu xun adduunka marka loo eego askaraynta iyo u adeegsiga carruurta ee colaadaha.

Nidaamka Suuriya iyo xulafadiisa ayaa kaalinta koowaad ka galay liiska xadgudubyada la xiriira dilka iyo naafaynta, halka Ciidamada Dimuqraadiga Suuriya (SDF) ay galeen kaalinta labaad.

Ciidanka Qaranku waxa ay hogaaminayeen kooxaha mucaaridka hubaysan ee askaraynta caruurta, waxaana ku xigtay kooxda Hayat Tahrir al-Sham, waxaana kaalinta saddexaad galay SDF.

Bishii Juun, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres wuxuu warbixintiisa sannadlaha ah u gudbiyay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee ku saabsan carruurta iyo colaadaha hubaysan ee 2021.

Warbixintu waxa ay hoosta ka xariiqday isbeddellada ku saabsan saamaynta iskahorimaadyada hubaysan ay ku leeyihiin carruurta iyo macluumaadka ku saabsan xadgudubyada laga geystay dalal dhowr ah oo ay ku jirto Suuriya.

Waxay qeexday kuwa ku hawlan xadgudubyada ka dhanka ah carruurta, kuwaas oo ah askaraynta iyo adeegsiga carruurta, dilka iyo naafaynta carruurta, kufsiga iyo noocyada kale ee xadgudubka galmada ee carruurta, weerarrada dugsiyada, isbitaallada iyo afduubka carruurta.

Qaramada Midoobay waxay xaqiijisay 2,271 xadgudubyo ba’an oo lagula kacay 2,202 carruur ah.

Warbixinta, waxaa lagu xusay in weerarrada ama hanjabaadaha weerarrada ka dhanka ah bulshada iyo hoggaamiyeyaasha rayidka, difaacayaasha xuquuqul insaanka iyo kormeerayaasha xadgudubyada ka dhanka ah carruurta ay sabab u tahay welwel iyo culeys xagga awoodda kormeerka.

Inkasta oo warbixinta Guterres ay adeegsatay ereyga “ciidamada cirka ee dawladda taageersan,” Shabakadda Xuquuqda aadanaha Suuriya waxay sheegtay inay aaminsan tahay inay fiicnaan lahayd in si gaar ah loo aqoonsado ciidamada Ruushka, oo ah xulafada kaliya ee nidaamka Suuriya ee leh awoodaha hawada.

QM waxay xaqiijisay qoritaanka iyo adeegsiga 1,296 carruur ah (1,258 wiil, 38 gabdhood), kuwaas oo intooda badan loo adeegsaday dagaalka.

SNHR waxay xustay in tiradani ay ka badan tahay tii lagu diiwaan geliyay warbixintii hore ee Guterres, taasoo diiwaangelisay qorista iyo adeegsiga 837 carruur ah ee Suuriya sanadda 2020.

Warbixinta Isniintii ayaa muujisay in dhammaan kooxaha mucaaradka Suuriya  iyo Ciidanka Qaranka Suuriya) ay mas’uul ka ahaayeen tirada ugu badan ee kiisaska ku lug leh qorista iyo isticmaalka carruurta