Wararkii ugu dambeeyay ay heshay KNN ayaa sheegaya in xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya looga yeeray Wasiirada magacaaban, iyadoona xalay lagu wargeliyay in ay yimaadaan xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.
Diyaar garowga munaasabad lagu dhawaaqayo golaha wasiirada Soomaaliya ayaa ka socoto xafiiska R/wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre.
Sida ay sheegayaan wararka golaha Wasiirada la magacaabayo ayaa ah 25 Wasiir, halka Xukuumaddii hore aheyd 26 Wasiir.
Xogta ayaa sheegaya in wasaaradaha lagu soo kordhay golaha wasiirada ay ka mid tahay Wasaarad cusub oo ah Wasaaradda Bey’adda iyo Is bedelka Cimilada.