Ciidanka Nabadsugida Koonfur Galbeed oo howlgal dad badan lagu qabqabtay sameeyay

704

Ciidanka Hay’ada Nabadsugida Iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed ayaa howgal qorsheysan ka sameeyey qaar kamid Xaafadaha Magaalada Baydhabo Gaaar ahaan Wadajir, Xanaano 2 iyo Xaaada Barwaaqo.

Howglalka ayaa intuu socday Ciiidanka guri guri u baarayeen Xaafadaha, waxaana lagu soo qab qabtay dhalinyaro tiradooda gaaraysay 80 kuwaaas Ciidanka ku sameeyen baaritaan inta badan dhalinyaradana lasii daayey kadib markii lagu waayey kamid ahaashaha  Al-Shabaab.

Saraakiil katirsan Ciidanka Nabdsugida Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay sheegeen inay weli Ciidanka gacanta ku hayaan tiro dhalinyaro ah oo uu ku socdo baaritaan dheeri ah, kuwaas oo looga shakiyay inay la Shaqeeyaan Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiishu waxaa ay sheegeen in Ciidanka Hay’ada Nabadsugida iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed ay Magaalada Baydhabo ka wadaan howlgallo ka dhan ah  Al-Shabaab, kuwaas oo dhowr jeer falal amni darro ka geystay Magaalada.

Howlgalkan ay ka sameeyeen Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay Ciidamada Nabadsugida Koonfur Galbeed ayaa kusoo aadaya xillo todobaad kii hore Magaalada uu ka dhacay qarax lagu dilay Wasiirkii Cadaaladda Maamulka Koonfur Galbeed.