Hir-Shabeelle oo ku dhawaaqay inay ka hortageen weeraro ay qorsheeynayeen Al-Shabaab

445

Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay jireen dhaq dhaqaaqyo ay wadeen ciidamada Amniga , kuwaas oo ay ku bartilmaameed sanayeen Ururka Al-Shabaab.

Wasiirka oo la hadlay Warbaahinta dowladda waxaa uu sheegay in maamul ahaan ay diyaarsadeen qorshayaashii lagula dagaalami lahaa Al-Shabaab ee looga saari lahaa degaannada ay kaga sugan yihiin Maamulka Hir-Shabeelle.

Sidoo kale waxaaa uu hadalkiisa uu intaasi kudaray in Ciidamada ay howlgallo gaar ah ka fuliyen degaano ay Al-Shabaab kasoo qorseeynayeen weeraro ay ka fuliyaan degaannada Hir-Shabeelle, isla markaana ay kasoo qabteen maxaabiis iyo hub farabadan oo ay ka taeen sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre  wuxuu sheegay in ay jiraan dhaq dhaqaayo ay Al-Shabaab ka wadaan dhinaca xaduudaha, hayeeshee Maamulka Hir-Shabeelle iyo dowladda Soomaliya oo iskaashanaya ay a hortei doonaan qorshahooda.

Hadalkaan kasoo yeeray Wasiirka Wasaaradda Amniga Dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre ayaa kusoo beegmaya xilli dhawaan qarax ismiidaamin ahaa oo gaari loo adeegsaday uu ka dhacay Magaalada jowhar, isla markaana Xubno katirsan Al-Shabaab ay dhaq dhaqaaqyo ciidan ka wadaan xadka dowlad degaanka Soomaalida iyo Gobolka Hiiraan.