Madaxweyne Xasan Sheekh oo Maanta kuwajahan dalka Masar

449

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta galaya safarkii 7aad ee dalka dibaddiisa ah tan iyo markii la doortay 15-kii Bishii May ee sanadkaan 2022, isaga oo kuwajahan dalka Masar.

Madaxweynaha ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii uu dalka Tanzania uga qeyb galay shirka Ururka dallada Bariga Afrika ee (EAC) , isaga oo gudbiyay codsi la xiriira in Soomaaliya ay kamid noqoto dalalka ku bahoobay Ururka EAC.

Madaxweynaha oo martikaad ka helay dowladda Masar markii la doortay ayaa la filayaa in uu kulan la qaato Madaxweynaha dalka Masar Cabdul Fitaax Siisii iyo mas’uuliyiinta kale dalkaas, isaga oo kala hadli doono arrimo ku saabsan hagaajinta xiriirka Soomaaliya iyo Masar.

Dowladda Masar oo kamid ah dalalka Carbeed ayaa xiriirkooda xumaa dowladdii uu hoggaaminayay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyaga oo sanadihii ugu dambeeyay aysan dhexmarin wax wadashaqeyn ah.

Sidoo kale dowladda Masar ayaa xilligaan wuxuu khilaaf xoogan oo la xiriira Wabiga Nile uu kala dhaxeeya dowladda Itoobiya oo deris la ah Soomaaliya, isla markaana Ciidamo farabadan oo ku howlgalla Magaca howlgalka ATMIS ay ka joogaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa aaad u bataya safarada uu ku tegayo dalka dibaddiisa, isaga oo horay u sheegay in uu doonayo hagaajinta xiriirka Soomaaliya ay la leedahay Caalamka, kuwaas oo qaarkood la xumaayay 5-tii sano ee la soo dhaafay.