
Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta oo taariikhdu tahay 23-da July 2022, soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 35, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Mudug.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad.
Markuu arkay: Aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa shaqo.
Markuu la-tashaday: Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland
Wuxuu xeeriyey:
1. Waxaa Faysal Sheekh Cali Maxamed (Jifo Jabsade) loo magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Mudug.
2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.