Mudaaharaadyo ayaa weli ka socda dalka Suudaan, waxaana sii kordhaya tirada dadka ku dhintay dagaal beeleedyada

536

Booliska Suudaan ayaa sunta dadka ka ilmeysiisa u isticmaalay boqollaal dibadbaxayaal ah oo kasoo horjeeda afganbiga kuwaas oo sidoo kale qeyb ka ah iska horimaadyada sii kordhaya ee qabyaaladda ku saleeysan ee ka socda dalkaasi.
Caasimadda ayaa ahayd goob ay toddobaad walba ka dhacaan mudaaharaadyo tan iyo markii taliyaha ciidamada Jeneral Abdel Fattah al-Burhan uu billaabay in uu awood kula wareego xukunka dalkaasi bishii Oktoobar ee sannadkii hore taasoo meesha ka saartay in loo gudbo xukun rayid ah.
Gobolka Blue Nile, oo xuduud la leh Itoobiya, ayaa ah meeshii ugu dambeysay ee ay ka dhacaan dagaallo beeleed. Axadii, mas’uuliyiinta halkaas ayaa tirada dhimashada ka dhigay 60, marka loo eego 33 dhimatay maalin ka hor xilli uu dagaalku bilowday todobaad kahor.

“Al-Damazin way dhiig baxaysaa,” mid ka mid ah dibadbaxayaasha Khartoum ayaa yiri Axaddii, isaga oo ula jeeday caasimadda gobolka Blue Nile.
Magaalada Wad Madani, oo qiyaastii 200 oo kilomitir koonfur ka xigta Khartoum, mudaaharaadayaashu waxay u weeciyeen mudaaharaadkooda cisbitaalka maxalliga ah “si ay dhiig ugu deeqaan walaalaheenna ku dhaawacmay iskahorimaadyada qabaa’ilka ee Blue Nile,” ayuu yidhi qabanqaabiyaha mudaaharaadka Cammaar Maxamed.
Iska horimaadka ka dhacay gobolka Blue Nile, oo u dhaxeeya qabaa’ilka Berti iyo Hawsa, ayaa markii ugu horreysay qarxay Isniintii la soo dhaafay.
Rabshadaha ayaa yimid ka dib markii qabiilka Berti ay diideen codsigii Hawsa ee ahaa in la abuuro “Maamulka rayidka ah si ay u kormeeraan gelitaanka dhulka”, xubin caan ah oo Hawsa ah ayaa u sheegay AFP isagoo codsaday in aan magaciisa la sheegin.
Laakiin xubin sare oo ka tirsan Bertis ayaa sheegay in qabiilku uu ka jawaabayay “xadgudub” dhulalkooda oo ay Hawsas ku sameeyeen.

Dhimashada 60-ka qof ee dib loo eegay ayaa waxaa ka hadlay wasiirka caafimaadka ee Blue Nile, Jamaal Naasir oo sidoo kale sheegay in 163 qof ay ku dhaawacmeen.
“Rabshadu weligeed xal ma aha,” UNICEF ayaa Twitter-ka ku soo qortay Axaddii, Xilli Qaramada Midoobay ay ku qiyaastay in kala badh dadka dalkaasi in lagu riixi doono gaajo daran marka la gaaro Septermber.