Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka XFS oo maanta gargaar ah raashin ah gaarsiisay magaalada Buula-burde ee gobolka Hiiraan.

446

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareeynta Musiibooyinka XFS ayaa maanta gargaar ah raashin ah u dirtay magaaladda Buula-burde ee gobolka Hiiraan.

Diyaarad sida gargaarkaan ayaa saakay ka duushay garoonka diyaaradaha ee magaaladda Muqdisho, ayada oo ay goob joog ka ahaayeen xildhibaano ka tirsan golaha shacabka ee deegaan doorashoodu tahay gobolka Hiiraan oo uu ka mid yahay, wasiirkii hore ee amniga xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed, Xildhibaan Maxamed Cabduqaadir iyo xildhibaan Cabdinaasir Shirwac.

Wasiirka gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka XFS Khadiija Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in gargaarkaan loogu talagalay dadka ay saameeyeen abaaraha ka jira gobolka hiiraan.