Warbixin xaaladihii ugu danbeeyay ee dagaalka Ukraine

440

Heshiis dib loogu soo celinayo dhoofinta hadhuudhka Ukraine ayaa lagu dhawaaqay iyada oo la dhisayo xarun isku xidhka iyo kormeerka oo laga dhisayo Istanbul.

Wasiirka difaaca ee Turkiga Hulusi Akar ayaa sheegay in Ankara ay xaqiijin doonto badqabka shixnadaha ku safraaya, dhinacyaduna ay si wada jir ah u hubin doonaan shixnadaha badarka ee dekedaha ka dib markii ay wada-hadallo ku yeesheen Istanbul Arbacadii saraakiil ka kala socda Ukraine, Ruushka, Qaramada Midoobay iyo Turkiga.

Madaxa Qaramada Midoobay António Guterres ayaa ku tilmaamay wadahadallada inay yihiin “tallaabo muhiim ah oo horay loo qaaday” balse wuxuu sheegay in loo baahan yahay shaqo badan ka hor inta aan heshiis la saxiixin toddobaadka soo socda.

Saxmadda in ka badan 130 markab oo xamuul ah oo ay ku raran yihiin hadhuudh laga keenay Yukrayn ayaa ku sugaya badda madow si ay ugu gudbaan Daaniyub.

Maraakiibta ayaa sugaya inay galaan marinnada laga baxo ee Sulina iyo Bystre si ay u gaaraan dekado iyo marinno taxane ah oo ku yaal Romania halkaas oo hadhuudhka laga soo qaadi karo si loo gaarsiiyo adduunka oo dhan.

Ciidamada Ruushka iyo kuwa taabacsan ayaa lagu soo waramayaa inay galeen magaalada Sifaraski ee gobolka Donetsk ee dalka Ukraine, sida ay sheegtay warbaahinta Ruushka.

Wakaaladda wararka dawladda ee Tass ayaa ka soo xigatay Vitaly Kiselyov, oo ah sarkaal ka tirsan jamhuuriyadda iskeed isu magacawday ee Luhansk People’s Republic, in uu sheegay in magaaladu ay gacantooda ku dhici karto dhawr maalmood gudahood, laakiin ma cadda waxa sheegashadaasi ku salaysan tahay.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Ukraine, Dmytro Kuleba, ayaa meesha ka saaray in dhul lagu wareejiyo Ruushka, taasoo qayb ka ah heshiis kasta oo xabbad joojin ah.

Warbixin kooban ayuu Kuleba ku sheegay in aysan jirin wadahadal nabadeed oo u dhexeeya Moscow iyo Kyiv  isagoo u sababeeyay mowqifka ruushka iyo garadarro joogto ah oo uu sheegay in uu ku hayo dalkooda.

Ruushka ayaa ku dhawaad ​​2 milyan oo qof ka saaray Ukraine, oo ay ku jiraan dhowr boqol oo kun oo carruur ah, tan iyo markii ay duulaanka ku qaadeen dalkaasi, ayuu yiri madaxweyne Volodymyr Zelenskiy.

Tobanaan kun oo reer Yukreen  ah ayuu sheegay in lagu hayaa xeryo  ku yaal dhulal uu sheegay in Ruushka si ku meel gaar ah u qabsaday, Zelenskiy ayaa hadalkan ku sheegay khudbad muuqaal ah oo uu ka jeediyay Shirka Hoggaanka Aasiya ee Seol Arbacadii.

Dhimashada Gantaalka Ruushka ee Todobaadkan lagu weeraray guryo la daganyahay oo ku yaala Chasiv Yar ee bariga Ukraine ayaa gaadhay ugu yaraan 47 qof. Adeegga degdega ah ee Ukraine ayaa markii hore shaaciyay dhimashada 10, laakiin kooxaha samatabixintu oo sii waday in burburka kazoo saaraan dadka ay waxyeelada kazoo gaartay weerarka ayay tiradii siikorortay.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee Maraykanka, Antony Blinken, ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo musaafurinta Ruushka uu ku hayo muwaadiniinta Ukrain. Blinken ayaa ku eedeeyay Ruushka “in ay si ula kac ah u kala soocaan carruurta Yukreeniyaanka ah iyo waalidkood oo ay ka afduubaan iyo kuwa kale oouu sheegay in ay ka kaxaystaan xarumaha agoomaha ayagoo u qaada Ruushka si loo korsado.