QM oo wadDa dadaallo lagu cusboonaysiinayo xabadjoojinta dhinacyada Yemen

620

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Yemen ayaa sheegay inuu qorsheynayo inuu sahamiyo suurtagalnimada heshiis dheer oo la ballaariyay oo lala galo dhinacyada ku dagaallamaya dalkaas toddobaadyada soo socda.

Hans Grundberg ayaa sheegay in muddo kordhintu ay noqon karto tallaabo wanaagsan oo loo qaado dhanka xabbad-joojin laga gaaro dagaalka siddeedda sano ah ee waddankaa.

Ma uusan bixin tafaasiil ku saabsan Muddada uu doonayo in loo qabto xabadjoojinta balse waxa uu sheegay in ay noqon doonto kahor 2-da Aug.

Grundberg ayaa u sheegay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in dib u cusboonaysiinta xabbad joojinta ay siinayso waqti iyo fursad ay ku bilaabaan doodo dhab ah oo ku saabsan dhaqaalaha Yemen iyo ammaanka iyo in la bilaabo wax ka qabashada arrimaha mudnaanta leh sida dakhliga iyo bixinta mushaaraadka.

“Waxaan ka codsanayaa dhinacyada inay igala shaqeeyaan arrimahan, si dareen iyo dabacsanaan leh,” ayuu yidhi.

Xabbad-joojinta u dhaxaysa dawladda sharciga ah ee Yemen iyo maleeshiyaadka Xuutiyiinta ee ay Iran taageerto ayaa bilaabatay 2-dii April, waxaana la kordhiyey 2-dii June.

“Ilaa hadda, xabbad joojintu waxay socotay in ka badan saddex bilood,” Grundberg ayaa yidhi.

Khasaaraha soo gaara dadka rayidka ah ayuu sheegay in la dhimay saddex meelood labo meel, marka loo eego saddexdii bilood ee ka horreeyay xabbad joojinta, ayuu yidhi.

Tan iyo markii dib loo cusboonaysiiyay xabbad joojintii Bishii Juun 2-deeda, todoba markab oo siday shidaal ku dhawaad ​​200,000 metric ton oo shidaal kala duwan ah ayaa la fasaxay si ay u galaan dekedda weyn ee Yemen ee Xudeyda.

Tan iyo bilawgii xabbad joojinta, 15 duullimaad oo safar ganacsi ah ayaa qaaday ku dhawaad ​​7,000 oo rakaab ah inta u dhaxaysa caasimadda Yemen, Sanca, iyo caasimadda Urdun, Amman, ayuu raaciyay Grundberg. Waxa uu sheegay in ay wadahadalo kula jiraan mas’uuliyiinta Masar oo ku saabsan duulimaadyada caadiga ah ee Qaahira.

Xabbad-joojinta, dhinacyadu waxay ballan-qaadeen inay kulmaan si ay ugu heshiiyaan furista waddooyinka, oo ay ku jirto in Xuutiyiinta laga qaado go’doominta dhulka ee Taiz, oo ah magaalada saddexaad ee ugu weyn Yemen.

Ergeyga Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujiyay “hadallada welwelka leh ee sii kordhaya ee dhinacyada is weydiinaya faa’iidooyinka xabbad joojinta” toddobaadyadii la soo dhaafay.

Waxa uu arrintan ku tilmaamay “tallaabo khatar ah,” isagoo ku boorriyay dhinacyada inay joojiyaan hadallada noocaas ah, wuxuuna ka digay in beddelka xabbad-joojinta “ay tahay dib u soo noqoshada colaadda oo ay u badan tahay inay tahay weji colaadeed oo sii xoogaysanaya oo leh dhammaan cawaaqibta la saadaalin karo ee gaari karta dadka rayidka ah ee Yemen iyo amniga gobolka. “