Antonio Guterres ayaa sheegay in ay aad uga naxeen tirada carruurta ay dishay Israa’iil

585

Israa’iil waa in lagu daraa liiska madow ee Qaramada Midoobay haddii xadgudubka ka dhanka ah carruurta Falastiin ay soo noqnoqdaan sanadkan, madaxa Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa Isniintii sheegay.

Warbixinteeda sannadlaha ah ee carruurta iyo colaadaha hubaysan, Qaramada Midoobay waxay ku sheegtay in ciidammada Israa’iil ay dileen 78 carruur Falastiiniyiin ah ah, oo ay naafeeyeen 982 kale, 637 kalena ay xidh-xidheen 2021-kii.

“Waxaan ka naxay tirada carruurta ay dileen oo ay naafeeyeen ciidamada Israa’iil intii ay socdeen dagaallada, duqeymaha cirka ee meelaha dadku ku badan yahay iyo adeegsiga rasaasta nool inta lagu guda jiro hawlgallada sharci fulinta,” ayuu xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ku yiri warbixinta.

“Haddii ay xaaladdu soo noqoto 2022, iyada oo aan wax horumar ah la taaban karin, Israa’iil waa in Baal madow lagu qoraa,” ayuu raaciyay.

Ilaa hadda sanadkan aynu ku jirno, ugu yaraan 15 caruur Falastiiniyiin ah ayaa waxaa dilay ciidamada Israel, sida laga soo xigtay cutubka difaaca carruurta ee Falastiin ee fadhigiisu yahay Geneva (DCI-P).

Warbixinta sanadlaha ah, taasoo diiwaan gelisay xadgudubyada ba’an ee ka dhanka ah carruurta meelaha ay colaaduhu ka jiraan ee adduunka, ayaa dhalisay muran dhinacyada lagu daray “liiska madow” ee warbixinta.

Liiskan waxaa loogu talagalay in lagu cadaadiyo dawladaha iyo kooxaha hubaysan ee adduunka oo dhan xadgudubyada ka dhanka ah carruurta ee ay xaqiijisay QM.

Israa’iil weligeed kuma jirin liiska.

Sida laga soo xigtay warbixinta sanadkan, Qaramada Midoobay waxay diiwaangelisay 2,934 xadgudubyo ba’an oo ka dhan ah 1,208 carruur Falastiiniyiin ah iyo sagaal carruur ah oo Israa’iil ah oo ku nool dhulka la haysto ee Falastiiniyiinta iyo Israa’iil.

Dhammaan 17- carruur ah oo ay ciidammada Israa’iil ku dileen Daanta Galbeed ee la haysto, oo ay ku jirto Bariga Quddus, ayaa si ba’an loo toogtay iyaga oo adeegsanaya rasaas nool inta badan intii ay socdeen mudaaharaadyada, ayay warbixintu xustay.

Marinka Gaza ee go’doonsan, ayaa waxaa lagu dilay 69 caruur ah oo Falastiiniyiin ah, tiradaas oo u badan intii uu socday ololaha duqeymaha Israa’iil ee 11-ka maalmood ah.

Carruur 637 ee Falastiiniyiinta ah ee la xidhay muddadan, waxaa ku jiray 85 kamid ah oo la sheegay in si xun loola dhaqmay iyo jebinta nidaamka cadaaladeed ee ciidamada Israa’iil, iyada oo boqolkiiba 75 ay sheegeen in ay la kulmeen rabshado jidheed.

Warbixintu waxa kale oo ay sheegtay in gantaallada Falastiiniyiinta ee ay rideen kooxaha hubaysan ay ku dhinteen laba carruur oo Israa’iili ah.

dhulalka Israa’iil iyo Falastiin ayay ka dhaceen tiradii ugu badnayd ee xadgudubyada la xaqiijiyay ee ka dhanka ah carruurta 2021 sida lagu sheegay warbixinta, oo ay weheliso Yemen, Suuriya, Afgaanistaan, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo iyo Soomaaliya.