Dhageeyso- Cabsi laga qabo inuu fahaad sameeyo webiga Jubba ee maray deegaanka Goobweyn ee G/Jubbada Hoose

604

Maamulka deegaanka Goobweyn ayaa cabsi ka muujiyey in fatahaad uu sameeyo Wabiga Jubba, maadaama la guda galay xilli roobeydka Deyrta.

Guddoomiyaha Deegaanka Goobweyn Cumar Cabdullaahi F

araweyne ayaa sheegay in xilli walbo la filan karo fatahaad uu Wabiga ka sameeyo deegaanka iyo Tuulooyinka Hoostaga.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa codsaday in si deg deg ah loogu soo gurmado shacabka ku nool deegaanka Goobweyn.

Wabiga Jubba ayaa inta badan fatahaad ka sameeya sanad walba deegaannada uu dalka ka maro, waxaana fatahaadaasi ka dhashay dhibaatooyin badan.