Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal Weli Ka Socda Xaafaddo Ka Tirsan Magaalada Dhuusamareeb

31

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug ayaa sheegaya in weli rasaas goos-goos ah laga maqlayo qeybo kamid ah Dhuusamareeb oo saaka ay ku dagaalameen Ciidanka Galmudug iyo kuwa Ahlusunna.

Dad ayaa soo weriyey in Ciidamada labada dhinac ay ku dagaalamayaan aaga xero-gaadiid, isla markaana la sheegay in Ciidanka Ahlusunna oo halkaas qabsaday laga saaray, balse haatan ku jiraan dhismayaal ka dambeeya Xaruntii hore ee Hey’adda SwissKalmo.

Madaafiic ayaa ku dhacay qaybo kamid ah xaafadaha Magaalada Dhuusamareeb, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo gaaray dad shacab ah iyo labada dhinac ee Ciidamada dowladda, Galmudug iyo kuwa Ahlusunna.

Ma jirto cid xaqiijin karta khasaaraha rasmiga ee dagaalka ka dhashay, isla  markaana waxaa dadka deegaanka ay yihiin kuwo badi ka cabsi qaba in dagaalka uu sii xoogeysto, kuna fido xaafaddo kale oo ka tirsan Magaalada oo degan yihiin dad shacab ah.

Saraakiisha Galmudug iyo kuwa Ahlusunna ayaa guulo ka kala sheegtay dagaalka, waxaana Saraakiil u hadlay labada dhinac ay sheegteen inay qeybo kamid ah Magaalada kala qabsadeen, iyagoona Galmudug xustay inay weerar kusoo qaadeen Ahlusunna.