Sanad walba maanta oo kale ayaa caalamka laga xusaasa maalinta Saxaafada Aduunka caqabadaha haysta iyo guulaha ay gaadheen,Hadaba Sidee xaalada Saxaafada Soomalida ay ku shaqayso

705

Maanta oo kale 3-da bisha May Sanadkiiba mar ayaa guud ahaan Caalamka waxaa laga xusaa maalinta xoriyadda Saxaafadda Aduunka, iyada oo ay dhacaan munaasabado kala duwan oo lagu soo bandhigaayo guulaha ay gaadheen Suxufiyiinta Calaamaka iyo Caqabadaha ku gadaaman howlahooda warbaahinta.

Maanta ayaa gudaha Somaliya waxaa ka dhacaya shiarar iyo kulamo looga hadlaayo doorka warbaahinta Soomaalida ee dalka,Handaadaha,Dilalka,Xadhiga iyo Tacadiyada ay la kulmayaan saxaafada Somaalida iyo sida looga gudbi karo ayaa maanta oo kale inta badan lagu soo bandhigaa.
Soomaaliya ayaa waxaa ay ka mid tahay dalalka ugu badan ee Suxufiyiinta lagu dhibaateeyo iyado Wariyeyaasha Soomaaliyeed ee xilligaan ku Shaqeynaya duruufaha adag.
Xoghaya Ururka u Ololeeya Saxaafada dalka Ustaad Faarax Nuur ayaan ku waraysanay khadka Telephone,waxaana u waramay wariyaheena Maxamuud Cali Xassan(Cadow).