Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo gaaray degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo+Sawirro

694

Madaxweyne ku-xigeenka koobaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, halkaas oo ay ka socoto doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka ee kasoo baxaya deegaan doorashada labaad ee Jubaland.

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo garoonka diyaaradaha ee degmada Ceel-waaq ay ku soo dhoweeyeen mas’uuliyiin, saraakiil ciidan iyo madax ka socota maamulka magaalada ayaa ujeedka uu u tegay waxay tahay inuu u kuur galo xaaladda deegaanka iyo doorashada 16-ka ee ka socota deegaanka doorashada labaad ee Jubbaland.

Wuxuu madaxweynahu ku-xigeenku uu booqan doonaa halka ay ka socoto doorashada ee lagu dooranayo Xildhibaanada loo asteeyay gobolka Gedo inay ku matalaan Baarlamaanka JFS.

Safarkan ayaa ku soo aadaya ,iyadoo shalay degmada Ceel-waaq uu tagay madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, wuxuuna halkaas ka dhagax dhigay mashruuc lagu dhisaayo garoonka diyaaradaha Degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo oo si casri ah loo dhisi doono.