Hadal jeedinta musharaxiinta u taagan guddoonka labada Aqal ee BJFS oo maanta bilaabaneyso

575

Xildhibaanada labada Aqalka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo maanta sabti ah kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho ayaa waxay dhageysanayaan hadal jeedinta musharaxiinta guddoonka labada ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Guddiga doorashada guddoonka golaha Shacabka ayaa shalay oo jimco ahayd ku dhawaaqay in la soo xeray diiwaan galinta musharaxiinta u tartameysa xilka guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xildhibaan Prof. Maxamed Xuseen Haadi oo xubin ka ah guddiga gaar ahaan qeybta diiwaan galinta ayaa sheegay in maanta oo sabti ah taariikhduna ay ku began tahay 23-4-2022, hadalka jeedinta doonaan musharaxiinta u tartameysa xilka guddoomiyaha golaha shacabka halka beri oo axad ah ay ku xigi doonaan musharaxiinta u taagan gudddoomiye ku-xigeenada.