Somaliland oo maanta siideysay 12 wariye ku xidhnaa Hargaysa

785

Muddo lix Cisho ah ayay ku xirnaayeen Xarunta dambi baarista ee Magaalada Hargeysa ku dhawaad 15 Suxufi oo kamid ah Wariyeyaasha Madaxa bannaan ee ka howlgalla Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Soomaaliland.

Wariyeyaasha ayaa xilliga la xirayay ku howlanaa tebinta Shaqaaqo ka dhacday Xabsiga Dhexe ee Magaalada Hargeysa, waxaana Maanta Soomaaliland ay siideysay 12 ka mid ah Wariyeyaasha.
Weriyayaasha la sii daayey ayaa waxa laga reebay oo aan la sii dayn Saddex Weriye oo kala ah Maxamed Cabdi Sheekh (Ilig), Cabdijibaar Maxamed Xuseen iyo Weriye ka tirsan Telefishanka Gobonimo TV, iyada oo Xukuumadda aysan faah faahin sababta loo reebay.

Intii ay xirnaayeen Wariyeyaasha ka howlgalla Magaalada Hargeysa ayaa waxaa cambaareeyay Madaxda Xisbiyada Mucaaradka Somaliland, Ururada Saxaafadda Soomaaliya iyo mas’uuliyiin kale oo katirsan Somaliland.

Wasiirada Warfaafinta iyo Arrimaha Gudaha ayaa markii la xiray Wariyeyaasha Warbaahinta u sheegay in Saxafi kasta ee lagu helay in uu dambi galay sharciga la marsiin doono, iyaga oo Wariyeyaasha ugu baaqay inay ka fogaadaan waxkasta oo dhib keeni kara.

Degaannada Somaliland ayaa Afartii sano ee la soo dhaafay waxaa aad loogu dhibaateeynayay Wariyeyasha, waxaana Xukuumadda Somaliland ay xirtay Wariyeyaal gudanayay waajibaadkooda Shaqo oo uu kamid yahay Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo lu xiran Magaalada Hargeysa.