Ciidanka Danab oo howlgal qorshaysan ka fuliyey Konfurta gobolka Mudug

691

Ciidamada Kumaandooska xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 6aad ee Guutada 16aad ayaa howlgallo qorsheysan oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen degaano ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug ee dowlad Goboleedka Galmudug.

Degaannada howlgalka laga fuliyay ayaa waxaa kamid ah, Qaraarow, kalaxiran, Goryaale, Dhuumaale, Caad, Gabdhaale, Waable, Xawal Xasan Cadde, Hareeri Dheere & Gaade oo dhammaantood katirsan Gobolka Mudug, halkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.
Saraakiil katirsan Ciidanka DANAB ayaa waxaa ay sheegeen inay dhamaan la wareegeen fariisimihii ay ku sugnaayeen Ururka Al-Shabaab ayna burburiyeen Saldhigyadoodii ay ku sugnaayeen.
Sidoo kale waxaa ay sheegeen in ujeedka howlgalka uu ahaa sidii looga hortegi lahaa weerarada ay fuliyeen Al-Shabaab, isla markaana ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah ilaa laga saarayo degaannada Gobolka Mudug.
Degaannada ay howlgalka ka fuliyeen Ciidamada Kumaandooska DANAB ee xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa dhowr jeer waxaa dagaalo xoogan ay ku dhexmareen Ciidamada dowladda iyo Galmudug oo dhinac ah & Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab.