
Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo ee Puntland Eng Maxamud Cabdinuur Aden oo gaaray Deegaanka Bacad-wayn ayaa u tagay si u kala wareeji Gaadiid mudooyinkii Dambe lagu kala haystay Magaalooyinka Caabud-waaq iyo Bacad-wayn .
Gudoomiyaha Degmada Oo ay wahelinayaan , Odayaasha dhaqanka , Ganacsato Gaadiid looga haysto Cabud-waaq iyo Gudoomiyaha Deeganka Bacadwayn ayaa ku wareejiyay Darawalkii waday gaariga lagu haystay Deeganka Bacadwayn ee Degmada Gaalkacyo , Madaaba si lamid ah Maamulka Galmudug , odayaasha dhaqanka ay iyaguna ku guulaysteen in ay siidaayen Gaariga kale ee Magalada Caabudwaaq horey lagu haystay .
Gudoomiyaha Degmada Gaalkacyo Eng Maxamud Cabdinur Adan ayaa Odayaasha dhaqanka Uga Mahad-celiyay sida ay doorka muhiimka uga qateen arinta Gadiidkan lagu kala haystay Deeganada Ceebud-waaq iyo Bacadwayn .