Dhageeyso. wasaarada Gargaarka Iyo Maareynta Musiibooyinka Jubbaland Oo Shirka Bilaha Wasaarada Diiradda Ku Saartay Wax Uqabashada Dadka Ay Abaaraha Saameeyeen

840

Wasiir ku xigeenka wasaarada gargaargaarka iyo maareynta masiibooyinka jubbaland faarax mukhtaar daa’uud ayaa shir guddoomiyay shirka billaha wasaarada oo bishiiba mar laqabto kaas oo la isaga xog wareysto shaqooyinka wasaarada dhinacyada shirka ka qayb galay ayaa wasiir kuxigeenka waxa uu siiyay warbixin ku saabsan hawlaha socda iyo halka ay marayaan dadaalada ay wasaarada wax ugu qabanayso dadka wali la ildaran saameynta togan iyo toban ee abaarta ku reebtay.

Hawlwadeenada wasaarada ee shirka qaybta ka ahaa ayaa umahadceliyay wasiirka,wasiir kuxigeenka iyo agaasimaha guud ee vwasaarada oo maalmihii dambe waday siddii gargaar ay hayadaha wasaarada shaqa wadaagta la ah ay ugaarsiin lahaayeen dadka ay abaarta saameysay ee ku sugan duleedka waqooyi ee magaalada kismaayo.

Dhanka kale wasiir kuxigeenka wasaarada ayaa ka warbixiyay kullamo maalmihii dambe wasaarada la qaadatay xubno kasocday hayada socdaalka aduunka ee iom kuwaas oo kismaayo uyimid siddii ay qayb uga noqon lahaayeen gargaarka loo fidinayo dadka ay abaaraha saameeyeen kullanka kadib waxaa warbaahinta lahadlay wasiir ku xigeenka wasaarada gargaarka iyo maareynta musiibooyinka jubbaland faarax mukhtaar daa’uud

 

Nasteexo Xaaji Cabdi-Raxmaan