Xukuumadda Soomaaliya oo lacag ugu deeqday Ganacsatadii ku hanti waayay Hargeysa

850

Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan  la yeeshay ganacsatada Soomaaliyeed kaas oo Looga hadlayay sidii loogu gurman lahaa ganacsatadii dabkii weynaa ee baabi’iyay suuqa weyn ee Hargeysa.

Kulanka ayaa looga dhawaaqay lacag gaareysa 3 Milyan oo Doollar taas oo 1 Milyan oo ka mid ah ay bixineyso Xukuumadda Soomaaliya halka 2 Milyan oo Doollar ay bixinayaan Ganacsatada Soomaaliyeed.

Duqa magaalada Hargeysa Cabdikariim Mooge ayaa warbaahinta u sheegay in qasaaraha ka dhacay dabkii 48-da saac baxayay ee qabsaday suuqa weyn ee Hargeysa ee Waaheen in uu gaarayo lacag dhan illaa $2 bilyan oo dólar.

Dhanka kale waxaa weli socda dedaaladii gebi ahaanba lagu baqtiinayay dabka, laguna nadiifinayay burburkii weynaa ee ka dhashay.

Hawlaha gurmadka iyo tirakoobka ayaa weli socda, iyada oo dalal iyo hay’adaba ay ku lug leeyihiin ka jawaabista masiibadani.