Thomas Tuchel Oo Ka Fal Celiyay Wararka Sheegaya In Ay Barcelona Ku Dhawdahay Saxiixa Laba Xiddig Oo Chelsea Ah.

611

Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa sheegay in ay gacmaha chelsea xidhanyihiin xilli ay kooxda Barcelona ku dhawdahay dhawr xiddig oo kooxda Blues ka mid ah.

Kooxda Barcelona ayaa ku dhaw in ay qaab xor ah kula wareegto xiddigaha daafaca uga ciyaara chelsea ee Antonio Rudiger & Andreas Christensen kuwaas oo heshiiskoodu dhici doono dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Chelsea ayaan heshiis cusub ka saxiixan karin xiddigaha haatan u jooga kooxda sabab la xidhiidha cunaqabataynta dusha laga saaray Milkiilaha kooxda ee Roman Abramovich.

Rudiger ayaa ku dhaw in uu 200 oo kulan u safto celsea waxana uu kooxda kula guulaystay koobab ay ka mid yiiin Champions League, Super Cup & Club World Cup.

Christensen ayaa dhanka kale jooga Blues 9 sano laakiin waxa uu kooxda kula guulaystay koobab ay ka mid yihiin champions league iyo Europa league.

Tuchel oo ka hadlaya wararka ku saabsan labada xiddig ayaa yidhi”Hadii ay run yihiin, Haa, waan ka wal-walsanahay”.

“Aniguba waan la kulmi lahaa hadii aan koox kale ahay, laakiin wali waa xiddigeheena laakiin gacmeheenu way xidhanyihiin, wax wadaahdalo heshiis kordhin ahna lama gali karno”ayuu sii raaciyay.