Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Jubbaland oo manta daah-furay shir lagu xalinaayey khilaafadkii ka dashay doorashada

761

Wasiirka wasaaradda arimaha gudaha iyo federaalka dib u heshiisiinta Jubbaland Generaal Maxamed Warsame darwiish ayaa Daah-furay Shir ku saabsan Turxaan bixinta Khilaafaadka ka dhasha Doorashooyinka oo lagu qabtay Magaalada Kismaayo.
Shirka oo socondoona Afar Maalmood waxaa ka soo qeyb galay wasiir ku-xigeenka wasaarada arimaha gudaha iyo federaalka dib u heshiisiinta Jubbaland Cali Careys, Gudoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose Cabdirishiid Cali Gooni, Salaadiin iyo Nabadoonada beelaha Daga Jubbaland.
Muhiimada shirkani ayaa ah is-faham waagii beelaha leh Kuraastii taalay Kismaayo soo dhex galay sidii lagu xalin lahaa iyo sidoo kale sidii meesha looga saari lahaa tafaraaruqa dhex yaala Odayaasha.
Gudoomiyaha Gobolka Jubbada Hoose Cabdirishiid Cali Gooni ayaa sheegay sida looga gudbi karo waxyaabihi ka dhashay Doorashooyinka iyo sababta Odayaasha dhaqanka loogu bilaabay Wadahadalada ay Wasaarada Arimaha Gudaha wado.

Wasiirka wasaarada arimaha gudaha iyo federaalka dib u heshiisiinta Jubbaland Generaal Maxamed Warsame darwiish ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimada kulanka, wuxuuna sheegay ilaa si cad ay isaga fahhmi doonaan Wasaarada Arimaha Gudaha iyo Nabadoonada in wada hadalka sii socon doono.