Gudoomiyaha deegaanka Cabdalal Biroole Muqtaar Taakow Cabdi oo u waramay radio kismaayo ayaa waxaa uu ka hadlay xaaladaha deegaanka Birooleka jira iyo saamaynta abaaraha ay ku yeesheen qaybo ka mid ah dalka.
Gudoomiyaha ayaa waxaa uu sheegay in deegaanka Biroole ay weli ka jirto biyo la’aan baahsan oo dad iyo duunyaba saameeysay, waxaa uuna sheegay in xoolaha deegaanka lagu dhaqdo oo ay abaarta saameeyay loo raray deegaano kale oo ay biyo ka heli karaan.
Gudoomiyaha ayaana waxaa uu carabka ku dhuftay in degaanka Biroole iyo nawaaxigiisa uusan weli roob ka di’in iyadoo qaybbo ka mid ah gobolka laga soo sheegay in roob ka curtay.