Cusbitaalka Kismaayo oo ku dhawaad 100 caruur nafaqodaro loo seexiyey

820

Tiradii ugu badneed oo caruur ah oo nafaqo daro hayso ayaa lagu dabiibaya Cusbitaalka Guud ee magaalada Kismaayo,Caruurtan wajahaysa nafaqo la’aanta ee ku jira Cubiaalka waxaa ugu badan ilmaha ka soo jeeda qoysaska abaaraha ka soo barakacay ee ku nool waqooyiga magaalada Kismaayo.
Caruurtaan ayaa tira ahaan gaadhaysa ilaa 79 ilmood oo dadoodu ka yar tahay shan sanno,ayaaToban ka mida waxaa lagu tacaalaya qaybta Gargaarka deg deg ah.
Nafaqo la’aanta ayaa waxaa ay ka dhalatay xaalada cunno la’aanta ee haysata dadka abaaraha ay saameeyeen oo aan awoodin in sadex hellaan wax ay cunaan.
Maama Malyuun Cali Xasan waa hooyo saddex caruur ay dhashey kula jirta sibitaalka magaalda kismaayo, waxaa ay ka mid tahay dadka baracayasha ah ee ka soo barakacay miyiga Deg Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose.
Hadda iyo qoyskeeda waxaa ay dagan yihiin deegaanka Istaanbuul ee waqooyiga magaalada Kismaayo halkaas oo iyada qoyskeeda iyo 1020 qoys oo kale ay deegaansadeen si ayu hellaan gargaar bani’adanimo,waxaana ay nooga warantay xaalada caruurteeda.

Ijaabo Faarax Nuur waxaa ay ka mid tahay dadka caruurta keensadey Cusbitaalka si wax looga qabto xaalada adag ee ilmaheeda yar ee ayeeda u tahay uu hadda wajahaayo.
Waxaa ka soo barakacday deegaanka Harboole oo hoostaga Afmadow,ka dib markii qoyskeda ay dhaafeen 50 neef oo lo’ah oo ay haysteen.

Dr Feysal Aadan Ibraahim oo ah madaxa qeybta daryeelka hooyada iyo dhalaanka ee Cusbitalka Kismaayo oo Radio Kismaayo wareesi siiyay ayaa sheegay in saddexdii Todobaad ee u danbeeyey ay sarre u kaceen caruurta la soo dhacay xaaladaha nafaqo la’aanta ee haysta caruurta qoysaskooda abaaraha ay saameeyeen.
Dr Feysal ayaa walaac ka muujiye in ay sii kordhi karto xaalada nafaqo darrada hadii roobabka sanad la waayo, oo ay abaaruhu sii daba dheeraadaan.