Wasaaradda Gargaarka oo Qabtay Shir looga hadlaayey dadka Abaaraha saameeyeen

1058

Kulanka maanta ay qabatay Wasaarada gargaarka iyo maareenta  musiibooyinka jubbaland ayaa waxa uu ahaa mid ay wasaaradu qabato bishiiba hal Mar waxaa goob joog ka ahaa gaar ka mid ah hay’aha ka howl gala magaalada kismaayo
Kulanka ayaana waxaa ku saabsanaa xog aruurin ku aadan shaqooyinka kala duwan oo ay qabtaan hay’aha iyo qorshaha Wasaarada gargaarka maareenta iyo musiibooyinka ee ku aadan sidii wax loogu qaban lahaa dadka abaaraha ay saameeyeen ee ku sugan deegaanada kala duwan ee jubbaland.

Kulanka ayaana looga hadlay Xaalada bini aadanimo ee ka jirta jubbaland iyo sidii kor loogu qaadi lahaa kaalmada la siiyo dad ka dabaaleysan ee ku sugan jubbaland
Cabdi rashiid cumar agaasimaha guud ee Wasaarada gargaarka maareenta iyo musiibooyinka jubbaland ayaa ugu danbeen ka warbixiyey wax yaabaha shirka looga hadlay isagoo baaq u diray dowlada federaalka soomaliya waxa uuna ka codsatay in caawinaad ay soo gaaraan dadka tabaaleysan ee ku sugan jubbaland madaama ay soo dhawdahay bisha barakeysan ee ramadaanka.