QM oo howlgalka AMISOM kala hadashay dalalka Uganda iyo Burundi

870

Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Amb, James Swan ayaa Madasha Diblomaasiyadda ee Magaalada Antalya ee dalka Turkiga waxaa uu kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda Jeneraal Odongo Jeje, iyaga oo ka wada hadlay arrimo ku saabsan Soomaaliya.

Labada Mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen muhiimadda ay leedahay in dhammaan saaxiibada gobolka iyo kuwa caalamiga ahba ay gacan ka geystaan doorashada Soomaaliya iyo kala-guurka dhanka amniga.
Sidoo kale waxaa ay labada dhinac isla soo qaadeen kaalinta dowladda Uganda ay ka qaadatay Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya iyo dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Dhinaca kale Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan ayaa uga mahadceliyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Burundi Danjire Albert Shingiro taageerada Burundi ee Hawlgalka AMISOM kaidb markii uu kula kulmay Magaalada Antalya ee dalka Turkiga.

Waxaa ay ka wada hadleen muhiimadda ay leedahay in saaxiibada gobolka iyo beesha caalamku ay Soomaaliya ka taageeraan dhammaystirka doorashada iyo kala guurka amniga.

Soomaaliya ayaa waxaa xilligaan ku sugan Ciidamo farabadan oo katirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaas oo ka qyeb qaata dagaalka Ciidamada dowladda kula jiraan Ururka Al-Shabaab.v