๐—›๐—ฎ๐˜†โ€™๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ ๐—ฆ๐—ผ๐—ฐ๐—ฑ๐—ฎ๐—ฎ๐—น๐—ธ๐—ฎ ๐—ถ๐˜†๐—ผ ๐—๐—ถ๐—ป๐˜€๐—ถ๐˜†๐—ฎ๐—ฑ๐—ฑ๐—ฎ oo ๐˜€๐—ถ ๐—ฟ๐—ฎ๐˜€๐—บ๐—ถ ๐—ฎ๐—ต ๐˜‚ ๐—ต๐—ถ๐—ฟ๐—ด๐—ฒ๐—น๐—ถ๐˜€๐—ฎ๐˜† ๐—ซ๐—ฎ๐—ฟ๐˜‚๐—ป๐˜๐—ฎ ๐—ธ๐—ฎ ๐—ท๐—ฎ๐˜„๐—ฎ๐—ฎ๐—ฏ๐—ถ๐˜€๐˜๐—ฎ ๐—–๐—ฎ๐—ฏ๐—ฎ๐˜€๐—ต๐—ผ๐—ผ๐˜†๐—ถ๐—ป๐—ธ๐—ฎ

879

Xaruntaani ayaa timid kadib markii dardargelin lagu sameeyay shaqada Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, taas oo ka dhalan karto cabashooyin ka soo laabto adeegyada Socdaalka iyo Baasaboorka.

Muhiimadda koobaad ee Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee ku aadan xaruntaan cusub waa in dadka cabashada qaba iyo Hayโ€™adda aan loo dhaxeynin oo ay si toos ah ula soo xiriiraan Xarunta ka jawaabista Cabashooyinka si meesha looga saaro gaabis ku yimaada Xiriirka Heyโ€™adda iyo loo adeegayaasha oo ah bulshada Soomaaliyeed, loogana fogaado isdabarin, waajib gudasho laโ€™aan ama in si khaldan looga faaideysto adeegyada Hayโ€™adda oo qof kastaahi xaq u leeyahay isla markaana looga hortago wax kasta oo keeni kara Musuqmaasuq.

Xarunta ka jawaabista Cabashooyinka waxaa ka howlgali doono Saraakiil loo tababaray Xiriirka dadweynaha iyo la macaamilkooda, waxayna ka jawaabi doonaan guud ahaan cabashooyinka kasoo laabta adeegyada ay bixiso Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.

Waxaan ku qalabeynay xaruntaan System-yada ay ku shaqeyso Hayโ€™adda ha ahaado Socdaal ama Baasaboor, Saraakiisha ka howlgaleyso waxay awood u leeyihiin in ay Systemka ka eegaan cabashada isla markiibana ay jawaab ka bixiyaan cabashada ku soo dhacday.

Agaasimaha Guud Hayโ€™adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) ayaa si dhow ula socon doonaa tabashooyinka iyo warbixinada xaruntaan si uu u qaado tallaabooyin wax ku ool ah, isla markaana uu kula xisaabtamo Xarunta ka jawaabista cabashooyinka sida ay u maareeyaan cabashada ay qabtaan. Sidoo kale, qorshayaasha Hayโ€™adda waxaa lagu dhisi doonaa talooyinka iyo baahida adeeg oo ay qabaan bulshada Soomaaliyeed.