Biyo la’aan iyo dabaylo qasaare gaystay oo ku dhuftay Jaziirada Madhabo oo hoos tagta degmada Badhaadhe

627

Jasiirada buurgaabo oo kismaayo ka xigta dhanka koonfureed ee magaalada kismaayo waa xilligaan ka jirto xaalad biyo la’aan taas oo saameyn weyn ku yeelatay dadka iyo duunyada xilli dadkii ugu badnaa ee kasoo hayaamay abaaraha ku dhuftay deegaanada jooraha ay gaarayeen saacadihii aan kasoo gudubnay jasiiradaasi.

Labaatanlaha ee biyaha ayaa waxaa lakala siisanayaa qiimo dhan 1$ oo udhiganta 26,shillin soomaliga waana xaalad adag oo inta badan saameyn weyn oo aad u xoogan ku yeelatay dadka danta yar iyo kuwa ku barakacayo deegaankaasi.

Gudoomiyaha jasiirada buurgaabo ayuub axmed Maxamed oo la hadlay radio kismaayo ayaa xaqiijiyay warkaan kusaabsan inay xaalad adag oo dhanka noolasha ka taagan tahay deegaanka waxaana uu sidoo kale carabaabay inay ubaahan yihiin shacabka deegaanka gurmad deg deg ah oo uga yimaado cid kasta oo ka damqanayso xaalada ay wajahayaan dadka deegaanka.
Dhinaca kale waxa uu inoo xaqiijiyay inay dadyow aad utirabadan oo ku dhawaad uu ku sheegay inay gaarayaan ilaa iyo 300 oo qofood oo isugu jirra haween carruur dad da’a oo qaarkood ay qabaan xanuuno kala duwan saacado ka hor ay gaareen deegaanka kuwaas oo aan haysan hoy ay kaga gabaadaan cadceeda kullul ee dhacayso.

Waa murugo iyo xaalad aan indhaha laga laaban karin xaalka ay wajahayaan dadka kunool guud ahaan deegaanadaasi oo marka loo eego dadkooda ay yihiin dad garab rarato ah oo noolashooda badankood ay ku tiirsan tahay jilaabasha kalluunka iyo kheyraadka kale ee ku jirra xeebaha deegaankaasi.