Wasaradda howlaha guud, dib u dhiska iyo guryenta Jubband ayaa Qabatay kulanka furitaanka iyo qiimeynta tartanka mashruuca dayactirka xarunta degmada Kismayo iyo xarunta caafimadka ee degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.
Kulanka ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Wasaradda howlaha Guud, dib u dhiska iyo guryenta Jubband Eng Ismaaciil Axmed Garas, Gudomiyaha degmada kismayo ahna duqa magaalada Cumar Cabdulaahi Maxamed (Faraweyne), shaqalaha wasaradda iyo 15 Company oo ah Company-yada dhismayaasha.
Gudomiyaha degmada Kismayo ahna duqa magaalada mudane Cumar Cabdilahi Maxamed (Faraweyne) oo daah-furka mashruucan ka hadlay ayaa u mahadceliyay kambaniyada ka soo qeyb galay kulankan.
Wasiirka wasaaradda howlaha guud, dib u dhiska iyo guryenta Jubnaland Eng Ismaaciil Axmed Garas oo si rasmi ah u daahfuray mashruucan ayaa faahfaahin ka bixiyey muhiimada uu leeyahay mashruucan.