
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa Muqdisho ku qaabilay Wakiilka Gaarka ee Dowladda Norway u qaabbilsan Soomaaliya, Marwo Heidi Elburgi Johansen, iyaga oo ka wada hadlay adkaynta xiriirka iyo wax wada qabsiga u dhexeeya Labada Dal.
Kulanka ayaa waxaa diirradda lagu saaray sare u qaadidda iskaashiga wax-ku-oolka ah ee Soomaaliya iyo Norwey ee dhinacyada amniga iyo xallinta khilaafaadka.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali ayaa uga mahad celiyey Dowladda Norway taageerada ay u fidiso Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.
Wakiilka Gaarka ee Dowladda Norway u qaabbilsan Soomaaliya, Marwo Heidi Elburgi Johansen ayaa dhankeeda sheegtay in dowladda Norwey ay diyaar u tahay inay kaalinteeda ka qaadato dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya.
Dowladda Norwey ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageera Soomaaliya, waxaana mashaaeiic kala duwan ay ka fulisaa meelo kamid ah dalka Soomaaliya.

![Dhagayso: Fariin Wacyigelin ah oo ku Saabsan Ramadaan-ka [afternoon]](https://radiokismayo.so/wp-content/uploads/2026/03/iftar-696x337-1-218x150.jpg)







